, ,

Ragga toodii aragnaye, dumar talo ma laga dayey?

10.00$

 

ISBN: 978-91-984421-8-2

Author:  Maxamed Xirsi Guuleed (Abdibashir)

Pages: 145

Published: 2002

Material: Paperback

Language: Somali

Buuggan Dumar talo ma laga dayey ( (Women Are the Solution to the Somali Crisis)), waa sheeko maldahan oo macnaynaysa dhacdooyin run ah oo la xidhiidha taariikhda Soomaalida ee Casriga ah iyo wixii keenay dhacdooyinkaas. Sidoo kale waxay saadaalinysaa xal lagu nasto iyo waddooyinka lagu gaadhi karo mid ka mid ah.

Nuxurka qisadu wuxu leeyahay sidan:

”Waxa jiri jirtay umad lagu magacabo reer Soofmaal oo ku noolaan jirtay dhul lagu magacaabo Dalsan. Reer Soofmaal waxay ahaayeen xoolo dhaqato. Dadku waxay ahaayeen qaar is jecel oo isu naxariista. Qof waliba wuxuu ku lahaa kaalin la yaqaan. Lagama aqoon deegaankooda caydh iyo cudurro toona. Sidoo kale colaadaha ayaa ahaa wax ay maqlaan uun. Barwaaqo ayey iskaga jireen weligood. Laakiin Biyaha ayaa qaliil ku ahaa.

Iyagoo sidaas isaga nool oo ku qanacsan noloshooda ayey maalin maalmaha ka mid ah ku soo dul degeen duul marti ah oo aan la garanaynin. Martidii waa la soo dhaweeyey, balse kun jeer ayaa laga qoommamooday aakhirkii. Waxay reer Soofmaal u horseedeen silic iyo saxariir aan laga  sheekayn karin. Markasta oo laysku dayo in wax laga qabto dhibkaas, xaaladu way sii xumaanaysay. Markasta oo loo maleeyo in xal la gaadhayba, waxa soo baxda dhibaato tii hore lagu illaabo. Aakhirataankii dumarka reer Soofmaal ayaa lagu wareejinayaa xal raadinta ummaddooda. Waxay  ku guulaysteen arrin raggu ku rafaadeen  hagaajinteeda 100 sano”.

Reviews

There are no reviews yet.

Only logged in customers who have purchased this product may leave a review.

Shopping Basket
Ragga toodii aragnaye, dumar talo ma laga dayey?
10.00$